Tuesday, December 29, 2009

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya C/rishiid Maxamed Xidig

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya C/rishiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in ay qaadi doonaan maalmaha nagu soo aadan guluf dagaal oo xoog leh, kaas oo ay kula dagaalamayaan mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda hanaankooda Maamul.

Wasiiru dowlahan oo Wariyaasha kula hadlayay magaalada ay dawladdiisu ka maamusho 2 KM, ayaa sheegay in ay Siyaasadooda iyo shaqadoodaba ay geyn doonaan 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho ay ka kooban yahay, isagoo tibaaxay in ay la wareegi doonaan gacan ku heynta deegaanadaasi, oo uu sheegay in ay hada maamulayaan Kooxaha ka soo horjeeda.

Xidig ayaa sheegay in ay dagaal gali doonaan Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo aad uga soo horjeeda AMISOM iyo dawladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay hada diyaar yihiin ciidamadii qaadi lahaa howlgaladaasi, isagoo ugu baaqay Shacabka magaalada Muqdisho in ay taageeraan ciidamada Xukuumadiisi.

Wasiiru dowlahan oo la weydiyey sida ay run unoqon karto maadaama hadalkiisan oo kale mudo lasoo waday, ayuu sheegay in ay hada noqon doonto markii ugu dambeysay ee xal laga gaarayo arrimaha magaalada Muqdisho, isagoo tibaaxay in gacanta dawladdiisa ay noqon doonaan kuwa ku jiro gobalo badan oo kuyaala dalka Soomaaliya, oo ula jeeday Jubooyinka, Shabeeloyinka, Baay iyo Bakool.

Cabdirishiid Maxamed Xidig wuxuu shaaciyey in horaanta sannadka 2010-ka oo ay halmaalin ka dhiman tahay, ay arki doonaan Shacabka Soomaalidu isbadal ku yimaada hanaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna cadeeyey in ay dagaal diyaar uyihiin.

Dagaalada ka dhaca inta badan gudaha magaalada Muqdisho ayaa khasaaraha ugu badan ee ka soo gaaraa Shacabka Soomaaliyeed, maadaama dushooda lugu dagaalamo, inta ka nabad gashana in lugu dul dagaalamana ay guryahooda ugu tagaan xabaduhu, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana dhinacyada ku loolamaya maamulida gobalada Koonfureed ee dalku ay sii wadaan dagaaladooda.

Gangiit5@gmail.com

Warning: Shocking Images — Islamic militants stone man to death for adultery in Somalia as villagers are forced to watch
By: News Desk<><><><>>Filimkii 2012 Halkaan Ka Daawo

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Cali Salaad oo ka hadlay dhibaatooyinka lagu hayo dadka ka soo jeeda Gobalada Bay iyo Bakool<<><><><><>

Ninkii Dhagaxa Lagu Dilayey Iyo Ninkii Asna Xabada Lagu Dilayey Afgooye Meel Fagaara Hadaawan Waa Muqaal Naxdinleh<><><><

Gudiga Qaramada Midowbay ee la socodka Hubabka sharci darada ah ee galaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyey dawladdo badan oo kuyaala Geeska Africa iyo Caalamkaba in ay taageero wanaagsan siinayaan<><><><<><><

Qolada caafimaadka iyo Saraakiil ka tirsan dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ku dhinteen qaraxaasi 5 kamid ah Askarta dawladda Puntland, ><><><><><>

Saraakiil ka tirsan ciidamada sirta ee Mareykanka ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al Qaacida lagu dilay galbeedka dalka Pakistan hakaasi oo ay duqeymo toddobaadkan ka geysteen diyaarado aan cid wadin oo Mareykanku leeyahay,<><><><><

Ciidamada Booliska Gaalkacyo oo toogasho ku dilay nin dad ku laayay Gaalkacyo caawa ><><<><><

Warar Naga Soo Gaarayo Magaalada Muqdisho Waxay Sheegayaan In Kuwa Alshabab Madaxda Ka Ah Ay Isku Haystaan Maxaa Loo Xaqiray Mujaahidkii Is Qarxiyey<><><><

No comments:

Post a Comment